Khabiirka Caanka Ah Ee Robbie Savage Oo Soo Xushay Shaxda Kooxda Premier leaugue Ee Ilaa Hadda Ugu Fiican-Ayaa Kooxdaada Ugu Jira?

Waxaa la gaadhay waqtiga la saadaaliyo shaxda kooxda Premier league ee xili ciyaareedka ugu fiican ka hor inta aan si rasmi ah loo soo saarin ciyaartoyda shaxda sanadka ee xili ciyaareedka Premier league wuuxuna khabiirka caanka ah ee Robbie Savage uu soo xushay shaxda kooxdiisa ee Premier league ugu fiican.

Robbie Savage ayaa goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker u soo xushay shaxda kooxdiisa xili ciyaareedkan Premier league ugu fiican maadaama oo uu u arko midka soo sameeyay in 17 kulan aan wax goolal ah laga dhalin isla markaana sabab wayn ka ah in Liverpool ay koobka Premier leauge u dagaalamayso.

Dhinaca kale Robbie Savage ayaa afarta difaaca ah ee shaxda kooxdiisa Premier leauge ugu fiican waxa uu u soo xushay saddex difaac oo kooxda Liverpool ka tirsan oo kala ah Alexander-Arnold , Van Dijk iyo  Robertson wuxuuna afartan ku dhamaystiray Vertonghen oo Tottenham u ciyaara.

Robbie Savage ayaa shaxdiisa u doortay laba xidig oo dhexda danbe ee burburiyaha ah waxayna kala yihiin Fernandinho oo wacdaro ka soo dhigay Manchester City iyo Pual Pogba oo door muuqda ka soo ciyaaray soo noolaanshihii Man United ee qaybtii labaad ee xili ciyaareedkan.

Dhexda hore waxa uu Robbie Savage u soo xushay xidiga Man City ee Bernardo Silva oo xili ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ku qaadanaya Man City waxaana garabka midig ku soo baxay isla xidiga Man City ee Raheem Sterling halka garabka bidix uu ku jiro Son oo Tottenham ka tirsan.

Ugu danbayn Robbie Savage ayaa weerarka dhexe ee shaxda kooxdiisa Premier league waxa uu u soo xushay Sergio Aguero oo ilaa hadda ah xidiga goolasha ugu badan u soo dhaliyay Premier league.

Shaxda Kooxda Premier leauge Ugu Fiican Ee Uu Soo Xushay Khabiirka BT Sport Ee Robbie Savage:

Robbie Savage Premier league XI: Alisson (Liverpool), Alexander-Arnold (Liverpool), Van Dijk (Liverpool), Vertonghen (Tottenham), Robertson (Liverpool), Fernandinho (Manchester City), Pogba (Manchester United), Sterling (Manchester City), Bernardo Silva (Manchester City), Son (Tottenham), Aguero (Manchester City)

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here