Kevin De Bruyne Oo Sameeyay Qirasho Ku Qaabsan Tartanka Loogu Jiro Hanashada Horyaalka Xilli Ay City 4 Dhibcood Ka Dambayso Liverpool.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa sameeyay qirasho ku aadan tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kevin De Bruyne ayaa qirtay in ay kooxda Liverpool u qalanto in ay ku guulaystaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan hadii ay ku garaacaan Man City.

Liverpool ayaa 4 dhibcood ka horaysa kooxda Man City ee difaacanaysa horyaalka iyada oo waliba xilli ciyaareedkan u muuqata mid fiican guulo adagna ka gaadhaysa kooxaha habeenka ayna ku jirin qaab ciyaareedkooda fiican.

Kevin De Bruyne ayaa sheegay in ay labada kooxood ee Liverpool iyo City kooxaha kale dheeryihiin Nasiib kadib markii goolkii 1-aad ee ay City ka dhalisay Huddersfield ahaa mid ay iska dhaliyeen.

Xiddiga reer Belguim ayaa sheegay in ay tahay in ay Man City qirato in ay Liverpool ka fiican tahay hadii ay xilli ciyaareedkan ku guulaystaan horyaalka xitaa hadii ay City kaalinta 2-aad ka gasho horyaalka.

“Waa In Aad Qirto waxa jira, waxa aan ku jirnaa xilli ciyaareed fiican laakiin waxa jirta koox naga fiican, waanan u hambalyayn doonaa”ayuu De Bruyne yidhi, “waxa aan soo bandhignay qaab ciyaareedkeena ugu fiican laakiin ugu dambayn Liverpool ayaa dhibco naga badan heshay sababta oo ah way u qalmaan”.

“Sida iska cad waxa aad mar walba doonaysaa in aad guul gaadho laakiin waxa aad ark kartaa xilli ciyaareed aad kaalinta 2-aad galayso, mana jirto wax aad ka odhan karto”.

“Mar walba waxa jira Nasiib, hadii aad doonayso in aan wax ku guulaysato waxa aad u baahantahay nasiib waxa aan u baahantahay qaab fiican”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here