Kevin De Bruyne Oo Laga Yaabo In Uu Seego Kulanka Ay Man City La Ciyaari Doonto Liverpool Arbacada, Sabab

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa seegi kara kulanka ay kooxda Man City la ciyaari doonto kooxda Liverpool Arbacada.

Kevin De Bruyne ayaa dagaal u galaya in uu taam u noqdo kulanka ay Man City wajihi doonto hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool Arbacada.

Xiddiga reer Belguim ayaa seegi doona kulanka ay Man City maanta la ciyaari doonto kooxda Southampton kadib markii uu dhaawac uu ku qeexay jug soo gaadhay.

De Bruyne ayaa sidoo kale kale ka cabanaya xanuun muruqa ah kadib markii uu muddo 6 todobaad ah dhaawac uga maqnaa jilibka.

Xiddiga ayaa ciyaaray 4-tii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo laba kulan kaydka ku soo galay laakiin 70 daqiiqo ciyaaray kulankii Leicester City.

City ayaa si weyn u ilaalinaysay De Bruyne kadib markii uu xilli ciyaareedkan laba dhaawac ku maqnaa muddo ku dhaw 3 bilood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here