Kepa Arrizabalaga Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wixii Dhacay Xalay & Diidistii Uu Diiday In Uu Ka Boxo Garoonka

0

Goolhayaha Kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa afka furtay kana hadlay dhacdadii dhacday intii uu socday kulankii Finalka Carabao cup-ka ee uu ku diiday in uu badal kaga boxo ciyaarta.

Kepa Arrizabalaga ayaa sheegay in uu si buuxda u Ixtiraamayo maamulka maurizio Sarri kadib markii ay isku dheceen tababaraha intii lagu jiray kulanka.

Wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta ayuu Sarri isku dayay in uu Badal ku sameeyo Kepa Arrizabalaga laakiin goolhayaha ayaa iska diiday in uu ciyaarta ka boxo.

Sarri ayaa ciyaarta kadib sheegay in ay dhacday is faham daro isaga oo u qaatay in uu Kepa Arrizabalaga dhaawac ka cabanayo.

Kepa Arrizabalaga Iyo Sarri ayaan u muuqan qaar wada hadlaya ka hor intii aan la bilaaban rikoodhayaasha laakiin goolhayaha ayaa ciyaarta kadib ka hadlay dhacdada.

“Waxa aan ka xumahay kana xanaaqsanahayy in aan awoodi waynay in aan ku guulaysano koobka, waxa aanu ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay la dagaalanay koox fiican, waxa aan sii wadi doonaa shaqada adag”.

“Waxa aan jecelahay in aan kala cadeeyo xaqiiqooyin dhacay kulankii maanta”.

“Ugu horayn waxa aan ka shalaynayaa sida uu ku dhamaaday kulanku, Anigu marna ma doonayn ama niyad kuma hayn in aan diido go,aanka tababaraha, waxan u malaynayaa in Is faham la,aan weyn dhacday”.

“Tababaruhu waxa uu u maleeyay in aan dhaawacanahay oo aanan sii wadan karin ciyaarta, aniguna waxa aan u qeexay in ay xaaladaydu fiican tahay oo aan sii wadi karo caawinta kooxda, kadib dhakhtarka kooxda ayaa tababaraha u tagay kadib u sheegay fariinta”.

“Waxa aan dareensanahay in aanan doonayn in aan diido go,aanka tababaraha waxa aan si buuxda u qadariyaa tababaraha iyo maamulkiisa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here