Karim Benzema Oo Seegi Kara Kulanka Axada Ee Girona & Sababta Oo La Ogaaday

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono kulanka Axada ay kooxda Real Madrid la ciyaari doonto Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Tababare Santiago Solari ayaa ka fiirsanaya in uu Nasiyo weeraryahanka kulanka ay Los Blancos Axada la ciyaari doonto kooxda Girona.

Real Madrid ayaa Axada marti galin doonto kooxda Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabue.

Benzema ayaa qaba dhaawac jab suulka ah laakiin waxa uu diiday in uu qaliin maro si uu kooxdiisa u caawiyo waxana lagu xidhay suulka qalab ilaaliya.

Inkasta oo uuna xiddigu qabin dhaawac hadana tababare Solari ayaa doonaya in uu Nasiyo xiddiga marka loo eego kulamadii xiriirka ahaa ee uu u ciyaaray kooxda.

Karim Benzema ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kulaamdii ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay goolal badan oo kooxdiisa tartamada oo dhan ah.

Maadama ay Real Madrid la ciyaari doonto Barcelona dhamaadka bishan Solari ayaa doonaya in uu xiddigiisu helo Nasasho badan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here