Karim Benzema Oo Ku Biiray Liiska Dheer Ee Dhaawacyada Real Madrid, Kooxda Xaqiijisay Dhaawaca Soo Gaadhay & Mudada Uu Maqnaan Karo.

Kooxda Real Madrid ayaa warbixin ka soo saartay dhaawacii soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Karin Benzema kulankii ay guusha ka gaadheen kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Benzema ayaa baxay intii lagu jiray nasashada ciyaartii Real Betis ee ay Real Madrid guusha gaadhay isaga oo ka cabanayay dhaawac ka soo gaadhay gacanta midig.

Kooxda ayaa xaqiijisay in uu xiddiga soo gaadhay jab gacanta midig ah laakiin la shaacin doono mudada uu garoomada ka maqnaan doono kadib baadhitaan cusub oo lagu sameeyo.

Dhanka kale wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in uu xiddigan garoomada ka maqnaan doono muddo bil buuxda ah marka la eego jabka gacanta ka soo gaadhay.

Dhaawaca xiddigan soo gaadhay ayaa xaalka ku sii xumeeyay kooxda Real Madrid kuwaas oo ay 6 xiddig dhaawac ugamaqnaayeen.

Benzema ayaa qolka daawaynta kula biiray xiddigaha Bale, Asensio, Mariano, Kroos iyo Courtois kuwaas oo dhamaantood dhaawac ku maqan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here