Karim Benzema Oo Dhaliyay Goolkiisii 30-aad Ee Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Real Madrid ayaan u tartamayn wax koobab ah kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedkna laakiin hal xiddig ayaa kor u qaaday dadaalkiisa xilli ay kooxdu ku jira xilli ciyaareed Liita.

Karim Benzema ayaa dhaliyay saddexley kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay kooxda Atletico Bilbao isaga oo goolashiisa xilli ciyaareedkan kor ugu qaaday 30 gool.

Taas ayaa ka dhigaysa xilli ciyaareedkiisii 2-aad ee ugu goolasha badanaa kooxda Real Madrid intii uu joogay Los Blancos isaga oo haatan kaliya 2 gool u jira in uu bar-bareeyo xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee dhanka gool dhalinta ee 2011/2012 markaas oo uu dhaliyay 32 gool.

Xaqiiqda ayaa ah in uu Benzema Real Madrid gool u dhaliyay 8-dii gool ee ugu dambeeyay tan ilaa markii uu dhaliyay goolkii guusha ee Huesca saddex toodbaad ka hor.

Tan ilaa kulankaas waxa uu goolal ka dhaliyay Kooxaha kala ah Valencia, Eibar, Leganes & Athletic Bilboa oo uu maanta ka dhaliyay saddex gool.

Waxa intaas sii dheer in uu Benzema hogaaminayo xiddigaha goolasha ugu badan madaxa ku dhaliyay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub xilli ciyaareedkan isaga oo 11 gool madax ku dhaliyay.

Kaliya Lionel Messi ayaa ka goolal badan Benzema xilli ciyaareedkan Spain tartamada oo dhan isaga oo ah xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan Spain marka laga hadlayo tartamada oo dhan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here