Kariim Benzema Waa Uu Ku Fiican Yahay Lionel Messi

Saxafi reer Spain ah oo ku dhaw kooxda Real Madrid ayaa dhaliyay muran badan kadib markii uu shaaca ka qaaday fikirkiisa oo ah in uu Karim Benzeam ka fiican yahay Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi.

Saxafiga Antonio Sanz ayaa u sheegay Radio MARCA” Karim Benzema aniga ahaan wuu ka fiican yahay Lionel Messi, waxana aan taageerayaasha Real Madrid waydiin doonaa in ay doonayaan in uu sii joogo iyo in kale xagaaga”.

Antonio Sanz ayaa baraha bulshada kala kulmay dhaleecayn xoogan kadib hadalkaas oo ah in uu Benzema ka fiican yahay Messi oo ah mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Hadalka Saxafigan ayaa imanaya maalmo yar ka hor kulanka El Clasico ee dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ee ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-finalka Copa Del Rey-ga.

Karim Benzema ayaa dhankiisa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 7 gool 5-tii kulan ee ugu dambaysay horyaalka Tartamada Oo dhan

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here