Kalsooni: Ole Gunnar Solskjaer Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabka Ay Man United U Go,aamin Karto Tartanka Horyaalka

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday saamaynta ay kooxdiisu ku yeelan doonto tartanka loogu jiro hanashada horyaalka premier League kadib guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Fulham.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisa Man United ku hogaamiyay guushiisii 10-aad ee tartamada oo dhan 11 kulan oo uu hogaaminayay kooxda.

Man United ayaa guul 3/0 ah ka gaadhay kooxda Fulham taas oo ka caawisay in ay kaalinta 4-aad kala baxaan kooxda chelsea.

Ole Gunnar Solskjaer oo doonaya in uu si buuxda ula wareegto shaqada tababaranimo ee kooxda Man United ayaa sheegay in ay go,aamin doonaan tartanka horyaalka premier League.

“Waxa aan kulamo la ciyaari doonaa Liverpool & Man City sidaas darteed waxa laga yaabaa in aan go,aamin karno waxa ka dhici kara horyaalka’.

Laakiin tababaraha 45 jirka ah ayaa sheegay in ay adagtahay in ay ku guulaysato kooxdiisu horyaalka marka loo eego in ay 11 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 2-aad ee Man City.

“Maya” ayuu Ole Gunnar Solskjaer jidhi markii la waydiiyay in ay United wali ku guulaysan karto horyaalka premier League, “Waxa aan ka dambaynaa dhibco badan horyaalkana waxa ka dhiman 12 kulan”ayuu sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here