Kahor kulanka caawa, Barcelona oo RIKOODH naxdin leh ka heysata Villarreal…(Bal EEG guulaha caajiibka ah ay gaartay Blaugrana)

Kooxda Barcelona ayaa RIKOODH naxdin leh ka heysata Villarreal markasta ay ku booqato Estadio de la Cerámica.

Villarreal ayaa caawa ku martigalin doonta kooxda Barcelona Estadio de la Cerámica, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 30-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Villarreal wax guul kama aysan gaarin Barcelona tan iyo 20/October/2007-kii, xiligaasoo ay kaga badiyeen 3-1, xidigaha Santi Cazorla iyo Marcos Senna ayaa goolasha ka dhaliyay kooxda Blugrana.

Barcelona ayaa 12 kulan la ciyaartay Villarreal, kadib guuldaradii 2007-ii, waxay guul gaartay 7 kulan, waxayna barbaro wada galeen 4-ta kulan kale.

Guushii 4-aad ay kooxda Barcelona ka gaartay Villarreal bishii May 2004-tii ayaa ahayd natiijadii ugu weyneed mudadaas. Lionel Messi ayaa dhaliyay kulankaas 2 gool, halka sidoo kale xidigaha Xavi Hernandez iyo Puyol ay kala dhaliyeen min hal gool.

Haddaba Natiijooyinka kulamadii ay wada ciyaareen wakhtigaas ayaa ah sidan tan:

Barcelona 2-0 Villarreal (La Liga) on 10-12-2017.

Barcelona 1-1 Villarreal (La Liga) 08-1-2017.

Barcelona 2-2 Villarreal (La Liga) 20-3-2016.

Barcelona 3-1 Villarreal (Copa del Rey) 04-3-2015.

Barcelona 1-0 Villarreal (La Liga) 31-8-2014.

Barcelona 3-2 Villarreal (La Liga) 27-4-2014.

Barcelona 0-0 Villarreal (La Liga) 28-1-2012.

Barcelona 1-0 Villarreal (La Liga) 02-4-2011.

Barcelona 4-1 Villarreal (La Liga) 01-5-2010.

Barcelona 2-1 Villarreal (La Liga) 21-12-2008.

Barcelona 0-0 Villarreal (Copa del Rey) 24-1-2008.

Barcelona 3-1 Villarreal  (La Liga) 20-10-2007.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here