Kadib Kulan Xiiso Leh Man United Oo 1/0 Ku Garaacday Tottenham & Dagaalkii Kaalinta 4-aad Oo Xoogaystay

Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Tottenham kulan xiiso lahaa oo ka dhacayy garoonka Wembly kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 22-aad.

Kulanka ayaa ku bilowday si xiiso leh oo ay labada kooxood ku jireen Taxadar iyo is ilaalin ay isaga ilaalinayeen in goolal wakhti hore ah laga dhalin.

Labada Kooxood ayaa sameeyay weeraro cajiib ah oo goolal laga dhalin karay iyaga oo soo bandhigay ciyaar si aad ah loogu raaxaystay.

Tottenham ayuu la ciyaaray goolhaye De Gea ayaa kaas oo qaybtii hore ka badbaadiyay fursado waali ah si la mid ah Hugo Loris ayaa dhankiisa badbaadiyay weeraro waali ah.

Man United ayaa la wareegtay maamulka ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro waali ah waliba Paul Pogba ahaa xiddig laf dhuun gashay ku noqday Tottenham.

Daqiiqadii 44-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Marcus Rashford kaas oo baas caalami ah ka helay Paul Pogba.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Tottenham 1/0 ku hogaaminayso laakiin la daawaday ciyaar cajiib ah oo la kala dhalin karay ugu yaraan 3 gool.

Qaybtii dambe ayay Tottenham ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ka hor inta ayna guul ka fikirin.

Laakiin Tottenham ayaa la ciyaartay David De Gea kaas oo 11 xiddig ku noqday Tottenham-na si la yaab leh uga hor istaagay fursado waali ah.

Tottenham ayaa sii waday samaynta fursadaha waalida ah ee ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha laakiin De Gea ayaa libaax ku noqday kana hor istaagay goolkiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United sidaas ku gaadhay guusheedii 5-aad oo xiriir ah premier league kadib markii uu tababare Ole Gunners Solskjaer la wareegay kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here