Kadib Kulamadii Todobaadkan Halkee La Kala Marayaa Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Yurub?

0

Kadib goolkii uu ka dhaliyay Sassoulo, Cristiano Ronaldo ayaa haatan 3 gool ka dambeeya Leo Messi tartanka loogu jiro kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub.

Xiddiga ugu fiican Juventus Ee Ronaldo ayaa gool dhaliyay kulankii ay kooxda Juventus 3/0 uga badisay kooxda Sassuolo.

Goolkaas ayaa ah goolkii 18-aad ee uu dhaliyay Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkan isaga oo la bar-baro noqday xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe.

Sergio Aguero oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waliba saddexley ka dhaliyay kooxda chelsea ayaa gaadhay goolkiisii 17-aad ee horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee Messi ayaa wali hogaanka u haya tartanka kadib markii uu xalay ku fashilmay in uu koo ka dhaliyo Athletic Bilbao.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Ugu Goolasha Badan & Dhibcaha ay Heleen:

  1. Messi 21 goals (42 points)
  2. Mbappe 18 goals (36 points)
  3. Ronaldo 18 goals (36 points)
  4. Cavani 17 goals (34 points)
  5. Aguero 17 goals (34 points)
  6. Salah 17 goals (34 points)
  7. Quagliarella 16 goals (32 points)
  8. Zapata 16 goals (32 points)
  9. Pepe 16 goals (32 points)
  10. Liliu 31 goals (31 points)
  11. Luis Suarez 15 goals (30 points)
  12. Aubameyang 15 goals (30 points)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here