Kooxda Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan si cajiib ah u waday ololaha heshiis kordhinta iyada oo heshiis cusub ka saxiixatay xiddigo badan.
Liverpool ayaa ku dhawaad 6 xiddig ka saxiixatay heshiis cusub mustaqbalkoodana u hibeeyay hogaamiyaasha Horyaalka premier league.
Sidoo kale Reds ayaa xagaagii iyo suuqii January ee la soo dhaafay la soo saxiixatay xiddigo kuwaas oo heshiis wakhti fog ah u saxiixay.
Kadib markii uu xiddiga Trent Alexander-Arnold qalinka ku duugay heshiis cusub oo 5 sano ah Reds ayaa ugu yaraan hubisay mustaqbalka xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa wakhtiga ay heshiisyada xiddigaha Liverpool dhici doonaan:
2024: Alisson, Robertson, Alexander-Arnold, Gomez.
2023: Fabinho, Keïta, Salah, Mané Firmino, Shaqiri, Henderson, Van Dijk,
2022: Oxlade-Chamberlain
2021: Wijnaldum