Kadib Gumaadkii 9-0 Ka Ahaa Ee Man City Ku Burburisay Kooxda Burton, Khabiirada Gary Lineker & Jamie Carragher Oo Jamaahiirta City Ku Maadsaday.

0

Kooxda Manchester City ayaa xalay noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee kulan afar dhamaadka EFL Cupka ah guul ku gaadhay 9-0 kadib markii ay kooxda yar ee Burton ku burburisay Etihad Stadium waxaana gool dhalinta kluankan bilaabay Kevin De Bruyne oo shan daqiiqo gudahood gool madax ah ku dhaliyay.

Gabriel Jesus ayaa afarley goolal ah isku xusuusiyay Guardiola iyo jamaahiirta kooxdiisa aan xili ciyaareedkan soo arag gool dhalintii looga bartay halka da’yarka Zinchenko iyo Foden ay min hal gool raacsadeen laakiin markii uu De Bruyne goolka furitaanka dhaliyay khabiirka BBC Sport & BT Sport ee Gary Lineker ayaa jamaahiirta Man City ku maadsaday.

Sidoo kale khabiirka Sky Sports ee Jamie Carragher ayaa isna Lineker kula soo biiray in uu taageerayaasha Manchester City ugu maadsado isla hal arin oo ay ka dhex arkeen muuqaalkii ciyaartii Etihad Stadium.

Gary Lineker iyo Jamie Carragher ayaa taageerayaasha Manchester City ugu maadsaday in ayna soo buuxin karin garoonka kooxdooda Etihad Stadium waana sheeko waqti dheer soo taagnayd oo ay jamaahiirta City sanado badan eedayn kula kulmayeen.

Aan ku bilawnee Gary Lineker ayaa markii uu De Bruyne goolka furitaanka dhaliyay waxa uu soo qoray: ” De Bruyne ayaa meel dhaw madax kaga qabtay. Manchester City waxay dhalin kartaa goolal ka badan inta taageerayaal cawaa joogta”. laakiin Lineker ayaa hadalkan soo qoray goolkii furitaanka waxayna Man City dhalisay 8 gool oo ka danbeeyay.

Laakiin waxaa Gary Lineker hadalkiisan ku taageeray khabiirka Sky Sports ee Jamie Carragher oo isna jamaahiirta Man City ugu maadsaday in ayna buuxin karin Etihad Stadium wuxuuna soo qoray: “Idinku ma buuxin kartaan garoonkiina”.

Xili ciyaareedyadii la soo dhaafay Manchester City ayaa xataa eedayn kula kulantay in jamaahiirta kooxdeedu ayna soo buuxin kulamo Champions League ah ama ayna la iman xamaasada uu leeyahay Champions league balse markale Linekeer iyo Carragher ayaa Man City ku duray in ayna Etihad Stadium soo buuxin karin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here