Kadib Fashilkii Mohamed Salah Juventus Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Riyad Mahrez & Qorsheheeda Oo La Ogaadya

Kooxda Juventus ayaa si lama filaan ah suuqa xagaaga ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Kooxda Man City ee Riyad Mahrez sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Algeria ayaa kaliya 11 kulan oo premier League ah u ciyaaray Man City tan ilaa markii uu City 60 Milyan ugu soo biiray xagaagii kana yimid Leicester City.

Mahrez ayaa City ka caawiyay in ay ku guulaysato tartanka Carabao cup-ka halka ay sidoo kale u tartamayaan 3 koob oo kale.

Laakiin 28 jirkan ayaa inta badan kaydka u fadhiya City isaga oo ka dambeeya xiddigaha Bernardo Silva, Raheem Sterling & Leroy Sane.

Markii ugu dambaysay ee uu ciyaaray 90 daqiiqo oo kulan premier League ah waxa uu ahaa bishii December kulan ay 2/1 kaga badisay City kooxda Watford.

Juventus ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah Laakiin Reds ayaa si cad ugu sheegtay in uuna xiddiga reer Masar ahayn iib lacag kasta oo ay miiska saaraan.

Sidaas darteed kooxda Juventus ayaa diirada saari doonta Xiddiga reer Algeria si ay ugu badalaan Xiddiga reer Brazil ee Douglas Costa.

Sidoo kale Juventus ayaa diyaar u ah in miiska saaraan Douglas Costa hadii ay Man City diido lacag dhan 35 Milyan oo euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here