Kadib Ciyaar Xaraarad Leh, Kooxda Real Madrid Oo 2/1 Uga Talaabsatay Ajax Laakiin Waa La Caseeyay

Kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Johan Cruijff Arena kooxda Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Ajax kulan Real Madrid la garaacay

Ajax oo marti loo ahaa ayaa 100% ka qaab ciyaareed fiicnayd kooxda Real Madrid kuwaas oo dhan walba kaga fiicnaa saaxiibada Karim Benzema.

Hadii ay weerarka noqoto, hadii ay fursadaha noqoto hadii ay noqoto laadadka lagu laagay goolka kooxda Ajax ayaa wax walba kaga fiicnayd kooxda Real Madrid.

Laakiin Ajax ayaa ku dhibaatoonaysay in ay gool u badalaan fursadihii ay helayeen iyaga oo marna iska khasaarinayay marna goolhayaha Real Madrid ka qabanayay.

Ajax ayaa xitaa gool dhalisay qaybtii hore ee ciyaarta laakiin goolka ayaa laga diiday kadib markii uu garsooruhu eegay VAR waliba cadaatay in uu Offside ahaa.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen laakiin Ajax ahayd kooxda qaab ciyaareedka fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Ajax sii waday fursadihii ay samaynaysay xilli ay Real Madrid kor u qaaday madaxa waliba samaysay fursado yar-yar.

Los Blancos ayaa daqiiqadii 60-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo baas cajiib ah ka helay xiddiga Vinicius Junior.

Ajax ayaan ka niyad jabin goolka laga dhaliyay waxana ay sii waday fursadihii iyo waliba weerarka ay ku waday kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 75-aad ayay Ajax dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaiyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Real Madrid ayaa mar kale daqiiqadii 87-aad hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Marco Asensio Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1. ay Real Madrid ku hogaaminayso kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Ajax kuwaas oo ka qaab ciyaareed fiicnaa

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here