Kadib Ciyaar Xaraarad Leh, Chelsea Oo Iska Xaadirisay Finalka Caraboa cup-ka, Kadib Markii Ay Rikoodhayaal Ku Khaarajisay Tottenham, City Ayay Balansadeen Finalka

Kulan xiiso leh ayaa kooxaha Chelsea iyo Tottenham ku dhex maray garoonka Stamford Bridge kana tirsanaa Lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka Caraboa cup-ka.

Kulanka ayaa si xaraarad leh ku bilowday iyada oo kooxda chelsea ahayd kooxda awooda badan iyaga oo qaadayay weeraro waali ah waliba sidoo kale maamulayay ciyaarta.

Tottenham ayaa dhankeeda difaac ku jirtay weeraro rogaal celis ahna qaadaysay si ay chelsea uga dhaliso goolal ay kaga naxsato.

Kooxda chelsea ayaa daqiiqadii 27-aad dadaalkeedii gool u badashay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga N’Golo Kante kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay ciyaarta ku hogaaminayso.

Chelsea ayaan halkaas ku joogsan laakiin sii waday dadaalkii ay ku doonaysay in ay goolal kale uga dhaliso kooxda Tottenham.

Daqiiqadii 38-aad ayay kooxda Chelsea dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu uu dhaliyay xiddiga Eden Hazard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Kooxda chelsea ahayd kooxda ciyaarta fiican halka ayna Tottenham soo bandhigin qaab ciyaareed lagu qanco.

Qaybtii dambe ayay kooxda Tottenham oo u muuqda qaar isa soo canaantay si fiican ku bilowdeen iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan.

Spurs ayaa daqiqiadii 50-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Fernando Llorente Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Hadii ay kooxda chelsea qaybtii hore ee ciyaarta awood badnayd soona bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo soo jiidasho leh.

Kooxda Tottenham ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta si buuxda ula wareegtay hogaanka maamulka iyaga oo chelsea ku qaadayay weeraro waali ah.

Chelsea vs Tottenham, LIVE: Latest Carabao Cup scores and updates from the semi-final

Kooxda Chelsea oo u muuqatay qaar cabsi gashay markii goolka laga dhaliyay ayaa qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis ah.

Labada kooxood ayaa smaeeyay fursado waali ah oo goolal laga dhalin karo laakiin waxa u suurgali wayday in ay wax gool u badalaan fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah maadama ay Tottenham 1/0 ku badisay kulankii hore.

Waxana uu garsooruhu sidaas ku go,aamiyay in uu qabto rikoodhe si ay labada kooxood ugu kala baxan kulanka midkoodna finalka u gaadho.

Waxa ay sidaas guushu rikoodhayaal ugu raacday kooxda Chelsea kadib markii ay wada dhaliyeen 4-teedii rikoodhke halka Tottenham laga qabtay laba rikoodho oo ka mid ah 4-tii ay laagteen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here