Kaddib soo laabashadii Zidane, Bayern Munich oo u dhaqaaqaysa soo xero gelinta xiddig ka tirsan kooxda Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Waddanka Jarmalka ayaa la soo warinayaa inay u dhaqaaqayso soo xero gelinta Weeraryanka naadiga Real Madrid ee Gareth Bale.

Bale ayaa haatan ku jira xilli ciyaareedkiisii lixaad ee Bernabeu, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa dhawaan dhaleeceyn kala kulmay saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin iyo taageerayaasha naadiga.

Soo laabashada Zinedine Zidane ayaa sidoo kale u horseedi karta Bale inuu waqti badan ku qaato sidii uu ugu soo bilaaban lahaa safka hore ee kooxda mustaqbalka fog, isagoo 29-sano jirkaan doonaya inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa.

Warsidaha TEAMtalk ayaa daabacay in Bayern Munich ay diyaar u tahay inay dalab ka gudbiso laacibkan oo ay ka soo ka xaysato garoonka Bernabeu, isla markaana ciyaaryahanku uu albaabada u furay inuu u dhaqaaqo kooxda ka dheesha horyaalka Bundesliga.

Warar soo baxayay ayaa hore u sheegay in Bale uu door-bidi doono inuu sii joogo dalka Spain, laakiin ilo kale ayaa sheeganaya in xagaaga suuqa kala iibsiga xiddigaha uu doonayo inuu dhegaysto dalabyada uga imaanaya dhammaan dhinacyada doonaya adeegiisa.

Bale ayaa weli heshiiskiisa uu kula jiro haatan kooxda ka dheesha horyaalka La Liga waxaa kaga harsan muddo saddex sanadood ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here