Kabtanka Real Madrid Ee Sergio Ramos Oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Kulanka Sevilla & Faah-Faahinta Rikoodhkaas

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa rikoodh u gaar ah isha ku haya kulanka ay Real Madrid maanta la ciyaari doonto kooxda Sevilla kulanka ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ciyaari doona kulankiisii 450-aad ee horyaalka La Liga marka uu ka hor tagi doono kooxdiisii hore ee Sevilla.

Ramos ayaa noqon doona xiddigii 20-aad ee ciyaarta in ka badan 400 oo kulan Waxana uu sidoo kale gaadhi doonaa rikoodhak uu halyeeyga Diego ka gaadhay markii uu u wada ciyaaray kooxaha Betis & Sevilla.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in uu Ramos ayaa haatn ciyaaray 449 kulan oo horyaalka ah waliba 400 oo ka mid ah dhamaystay 90-ka daqiiqo ee kulamada isaga oo kaydka ku bilowday kaliya 6 kulan badalna lagu sameeyay 24 kulan 19 kalena loo taagay kaadhka cas sidoo kale 171 kaadh oo digniin ah loo taagay.

Kabtanka ayaa kooxdiisa la gaadhay 295 guulood isaga oo 39 guulood ka dambeeya kabtaankii hore ee Iker Casillas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here