Kaalinta 4-aad Mise Europa League? Granit Xhaka Oo Sheegay Bartilmaameedka Arsenal

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa shaaca ka qaaday bartilmaameedka kooxda Arsenal ee xilli ciyaareedkan.

Granit Xhaka ayaa sheegay in ay Arsenal bartilmaameedsan doonto ku dhamaysiga kaalinta 4-aad halkii ay ku guulaysan lahayd tartanka Europa League.

Kooxda Unai Emery ayaa gaadhay wareega 16-ka tartanka Europa League waxana ay la ciyaari doonaan kooxda reer France ee Rennes.

Ku guulaysiga tartanka Europa League ayaa la macno ah in ay Arsenal si toos ah uga soo qayb gali doonto tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Arsenal ayaa bartilmaameedsan doonta kaalinta 4-aad halkii ay bartilmaameedsan lahaayeen Europa League sida uu sheegay Xhaka.

“Kadib markii uu Arsene Wenger kooxda ka tagay waxa yaabo badan ayaa iska badalay kooxda”ayuu Xhaka yidhi.

“Waxa aan ku faraxsanahay tababaraha, waxa aan samaynaa horumar badan waxa aan qabanaa shaqo badan”.

“Waxa aan qaadaynaa talaabo weyn hadii aan u soo baxno champions League Xilli ciyaareedka dambe waanu doonaynaa sidoo kale waxana aan ognahay in aan u baahanahay in aanu shaqayno”.

“Hadii aan ku guulaysano Europa League waxa aan si toos ah uga soo qayb galaynaa Champions League laakiin kaalinta 4-aad ayaa ah bartilmaameedkeena 1-aad si aan ugu soo laabano champions League”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here