Lionel Messi ayaa saddexleey xarago leh ka kacay ciyaartii dhaweyd ay Barca afarta gool uga adkaatay Real Betis horyaalka La Liga taa oo xitaa keentay inay u sacbo tumaan taageerayaashii ka horjeeday.
Waxaa la soo saaray liiska xiddigaha wadarta goolasha iyo caawinta ugu badan Yurub ee kal ciyaareedkan.
Messi ayaana boorka ku reebay Ronaldo iyo xiddigaha kale ee ugu shidan Yurub oo mid ku soo dhawaaday ma jiro.
Isku darka goolasha Messi iyo caawintiisa kal ciyaareedkan ayaa sii cago cageynaya 60 halka Cristiano Ronaldo uu soo marayo 36.
Raheem Sterling ee Manchester City ayaa saddexaad ku jira oo goolashiisa iyo caawintiisa xagaagan waxay isku noqonayaan 35.
Haddaba EEG Liiska:

Advertisement