Ka Hadhistii Man United Ee FA Cup-ka Oo Si Weyn U Caawinaya Red Devils Ka Hor Kulankooda Barcelona, Qaab Noocee Ah?

Man United ayaa laga yaabaa in ay ka niyad jabeen ka hadhistii Tartanka FA Cup-ka kadib guuldaradii Wolves laakiin waxa ay haatan la macno tahay in ay haystaan fii,iido dheeraad ah ka hor kulankooda champions League ee ay la ciyaaari doonaan Barcelona.

Reds Devils ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay Wolves kulan ka tirsanaa FA Cup-ka kana dhacay garoonka Wolves ee Molineux.

Guul daradaas ayaa faa,iido weyn u ah Man United maadama ay heli doonaan 8 maalmood oo Fasax ah ka hor kulankooda lugta 1-aad ee champions League ah la ciyaari doonaan Barcelona.

Kooxda Man United ayaa caadi ahaan u qorshaysnayd in ay Wolves la ciyaaraan premier league 4 maalmood ka hor kulanka Barcelona.

Laakiin Kulankaas ayaa la baajinayaa Maadama ay Wolves ciyaari doonto kulanka Semi-finalka FA Cup-ka kadib markii ay United ka hadhay tartanka.

8 maalmood oo fasax ah ayaa ah wax ay Man United u baahantahay si ay si fiican isugu diyaariso kulanka ugu muhiimsan xilli ciyaareedkooda ee champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here