Ka Dib Ciyaarta Xaraarad Laheyd , Liverpool Oo Crystal Palace Ku Garaacday 4/3 Xilli Salah Uu Dhaliyay Laba Gool

Biloowga si deggan ayay ciyaarat ku bilaabeen labada koox balse Liverpool waxa ay diyaar u aheyd in garoonka ruxaan maadaama ay dareemayeen muhiimadda kulankaan maadaama kooxda baacsaneysa ee Man City ay beri la ciyaareyso kooxda Huddersfield Town waxaana kooxda Klopp nasiinad aloogu diray hal gool oo nadiif ah .

Liverpool waxa ay isku dayaysay in kubadda horay u jiidaan balse daafac Crystal Palace ayaa haa kuwo foojigan oo diidanaa in gool waqti hore ay ku casuumaan Liverpool

Inkastoo daafaca Palace uu wacnaa hadana Liverpool iyaga ayaaa kubbadda maamulayay balse dal daloolo ay kubadda marsiiyaan ayay weysanaayaan xilli Palac-na ay baadi goobayeen jawi kubadda si sawacan ula qeysbadan kooxda Klopp .

Xilli Liverpool aheyd dhinaca laga filan karay goolka maadaama iyaga ay weerar badnaayeen hadana kooxda martida waxa ay ku heleen wiilasha Klopp fursad xaqiiq aheyd ka dib kubad rogaal celis aheyd waxaana gool u turjumay Andros Townsend dsaqiiqaddii 34-aad

Ka dib goolkaas Liverpool isku dayo kala duwan ayay sameeyeen balse waxaa ka maqnaa dhameystirka waxaana nasiinada loogu diray halkaas gool xilin guud ahaan iyaga ahaayeen dhankii kubadda maamulayay
Soo laabashadii , Liverpool durba gool ayay heshay daqiiqaddii 46-aad waxaana dhaliyay Mohamed Salah ka dibna garoonka oo idil ayaa dhawaaqay waana la filan karay gool labaad

Liverpoo kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen waxa ayna keeneen gool labaad oo uu saxiixay Firminho daqiiqaddii 53-aad , waxaana Palace ku dhacay jahwareer oo kubadda waa ay ku adkeyd in cagtooda ku hayaan

Inakstoo Palace kubadda ku badneyd aagooda hadana mar waliba oo ay soo baxaan iskud ayo wacan ayay sameynayeen illaa ugu dambeyn ay keeneen goolka bar bar dhaca waxaana daqiiqaddii 65-aad u dhaliyay James Tomkins

Ka dib dhacdaaas , ciyaarta dar dar ayay yeelatay xilli Liverpool-na ay ciyaareysay kubad ay ku dheehan tahay kalsooni , waxa uuna tababare Klopp sameeyay badal daqiiqaddii 72-aad isaga oo soo giliyay Shaqiri oo loo badalay Keita

Ka dib badalkaas , Liverpool gool ayay heleen ka dib qalad ka dhacay daafaca Palace waxaana gool u turjumay Mohamed Salah daqiiqaddii 75-aad

Dhamaadkii ciyaarta waxa ay noqotay mid deg deg ah wax ayna Palace doonayeen in goolk bar bar dhaca keenaan balse daafaca Liverpool ayaa ahaa mid foojigan , waxaana Liverpool kaarka cas daqiiqaddii 89-aad laga siiyay Milner kaasi oo qaatay kaarkiisii labaad ee digniinta xilli midkii koowaad uu qaatay daqiiqadii 82-aad

Si kastaba dhaamadkii ciyaarat waallan auyay ciyaareen , waxa ayna Liverpool daqiiqadii 90-aad dhaliyeen gool uu lahaa Mante halka Palace-na ay heleen gool 3-aad waxaana saxiixay waqtigi dheeriga xiddigooda Max Meyer waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 4/3

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here