Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd , Liverpool Iyo Munich Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac Bilaa Goolal Ah

Liverpool iyo Munich ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore aheyd mid deg degsiimo leh waliba lagu raaxeysan karay .

Liverpool ayaa ku badneyd fursadaha balse sidii la rabay ugama aysan faa`ideysaneyn waxaana sii dheer in goolhayaha Munich uu ka hor istaagay dhowr fursado .

Munich waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah bale Liverpool wax ay ciyaarayeen kubad weerar ah oo aan kala joogsi laheyn waxa ayna dagaalka ugu jireen goolal .

Liverpool waxa ay cadaadis saareen Munich kuwaasi oo ay u diideen in kubadda ka soo fogeeyeen qadkooda , waxaana dhaq dhaqaaq aad u wacan waday Salah , Mane , Firmino iyo Kaite halka ay jireen askar aan muuqan .

Inkastoo Liverpool iska qasaariyeen fursaod xaqiiq ah hadana Munich mararka qaar halistooda waa ay taagneyd , waxaana guud ahaan qeybta labaad la filan karay is badal dhanka natiijada kulanka ah.

Munich oo caan ku ah in kubadda ka dhisaan weerarka ayaa loo diiday aritaas waxa ayna ciyaartoyda Liverpool ka hor tagayeen in Muncih ay kubadda ku daahdo cagtooda , waxaana lagu nastay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah.

Soo laabashadii , labada koox hab adag ayay ciyaarta ku bilaabeen waxa ayna Munich isku dayayeen in ay kubadda u diideen Liverpool sidaas oo ay tahay Liverpool daqiiqaddii 52-aad fursad gool ayay heleen balse kama aysan faa`ideysan

Munich oo ka dhaq-dhaqaaq wacneyd qeybtii hore waliba weeraro toos ah soo qaadaysay ayaa ciyaareysay kubad degan waxa ayna marar kala duwan u dhawanayeen goosha Liverpool xilli kooxda Klopp-na iyana ahaayeen kuwo laga filan karay goolka kulanka .

Munich waxa ay ciyaarayeen kubad aan wel wel laheyn halka Liverpool tooda aheyd mid deg degsiimo leh waxa ayna Munich qeybtaas labaad u diideen saaixbada Salaah in ay si fudud ku gaaraan gooshooda .

Liverpool daqiiqaddi 76-aad waxa ay soo giliyeen Milner iyaga oo saaray Naby Keita , waxaana xusid mudan in qeybta labaad aysan dhicin fursado xaqiiq ah marka loo eego qeybtii hore

Dhamaadkii , ciyaarta dar dar ayay yeelatay kooxda Klopp-na fursadaha goolasha loo turjumi karo waa ay qasaarinayeen xilli daqiiqaddii 85-aad gool xaqiiq oo madaxa ahaana laga bad baadiyay Mane xilli shabaqa ay sii galeysay ayuu goolhayaha Muncih u saaray koorno, waxa ayna Muncih daqiiqadii 84-aad soo giliyeen Ribery oo loo badalay Kovac

Si waliba oo ay ahaato oo ay Liverpool dhamaadkii u weerar tageen waa ay u suura gali waysay in ay helaan gool waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here