Ka Dib Ciyaar Isku Jacbursaneyd , Chelsea Oo Laba Gool Uga Soo Badisay Tottenham

Ka dib ciyaar kubad haysashadeeda isu dheel tirneyd labada koox Chelsea iyo Tottenham waxa ay nasiinada ku aadeen bar bar dhac bilaa goolal ah .

Biloowgii , Chelsea waxa ay ku sigteen gool ka dib kubad birta kaga dhacday Gonzalo daqiiqaddii 6-aad , waxa ayna guud ahaan ciyaarta aheyd mid baqdin ay kala qabeen labada koox .

Kubadda waxa ay aheyd mid isku jacbursan oo waxa uu dagaalka ka taagnaa qadka dhexe xilli Chelsea mararka qaar isku dayayeen in ay garoonka isku balaariyaan kubadana ka dhisaan garbaha .

Hazard iyo Pedro ayaa dadaal waday balse Tottenham daafac ahaan waa ay wacnaayeen waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha deg deh ah , waxaana qeybtaas hore aad u shaqeynayay Son , Erikson iyo Kane .
Mararka qaar Tottenham ayaa kubadda ku badneyd waliba kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen waxa ayna helayeen kubado fursado xaqiiq ah loo badlai karay .

Chelsea inkastoo mararka qaar aagg goosha Tottenham imaanayeen hadana dhameystir ma laheyn waxa ayna Tottenham daqiiqaddii 45-aad ku sigteen in gool ka dhaliyaan Chelsea balse kubadda birta ayay kaga dhacday , waxaana lagu nastay bar bar dhac bilaa goolal ah .

Soo laabashadii , qaab wacan ayay Chelsea ku bilaabeen balse Tottneham waa ay isku xernaayeen diyaarna uma aheyn in sahal ah lagu jiiro gooshooda.

Tottenham mararka qaar kubadda iyaga ayaa ku gacan sareeyay waxaase lagu helay gool daqiiqadii 57-aad waxaana saxiixay Pedro

Waxaa xusid mudan in Tottenham ka dib goolkaas ay sameeyeen isku dayo iyo abuurista dhowr fursad balse sidii la rabay uma dhicin , waxa ayna Chelsea daqiiqaddii 60-aad ay saareen Hazard iyaga oo soo giliyay Willian .

Tottengam mararka qaar waxa ay Chelsea u diidayeen in ay kubadda helaan balse iyana daafac isku xeran ayaa hayay .

Dhamaadkii Tottenham si walib ayay u dagaalameen waxaana go`anaa in u ugu yaraan ciyaarta ku dhameeyaan bar bar dhac balse kooxda dhaawacan ee Chelsea ayaa iyana xeratay daafac adag waxa ayna Chelsea ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah

Chelsea waa ay ka faa`ideysteen weerarkii Tottenham kuwaasi oo soo wada duulay waxa ayna Tottenham ku qasbeen in ay iska dhaliyaan gool waxaana sidaas sameeyay Kieran Trippier daqiiqaddii 84-aad

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here