Ka Dib Ciyaar Dhaawacyo Hareeyeen , Man United Iyo Liverpool Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac Bilaa Goolal Ah

0

Man United iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli ciyaarta ay hareeyen dhaawacyo waliba ma laheyn dhaq dhaqaaq aad u sareeyay oo ma gaarsiisneyn heerkii laga filan karay .
Ciyaarta ayaa aheyd mid isku jacbursan waxaana lIverpool ku adkaa in ay jiiraan daafaca United si waliba oo ay u dhisaan kubadda .

Qeybtaas hore waxaa United ay ku qasbanaatay badelka sedex ciyaaryahan ka dib dhaawacyo haleeyay waxa ayna kala ahayeen Ander Herrera oo daqiiqaddii 20-aad dhaawacmay , waxaana kaliya afar daqiiq ka dib raacay Juan Mata

Xaallka intaas kuma joogsan Lingard oo isna badal ku soo galay ayaa dhaawacmay waxa ayna dhacday daqiiqaddii 43-aad xilligaas oo lagu badalay Alexis Sanchez , waxaana dhanka Liveprool iyana dhaawac daqiiqaddii 43-aad looga saaray Firmino iyadoo lagu badalay Sturridge.

United waxa ay kulankaan ka liiteen dhanka qadka dhexe balse waxa ay ku wacnaayeen in si deg deg ah ay daafac u xertaan marka kubadda ay ka baxdo cagtooda oo tobanka ciyaartooy in ay dib u soo laabtaan ayay daafac xeranayeen .

United wax aay kale oo ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah halka Liverpool iyana ka sheeganayeen in ay xal u helaan in ay jiraan daafaca United balse guud ahaan qeybtaas hore ma aheyn mid xaraarad leh .

Soo laabashadii , United waxa ay badaleen hanaanka shaxda waxa ayna u rogeen 4-5-1 oo Rashford afka hore ayay geeyeen , Sanchez-na garabka bidix halka Lukaku la geeyay garabka midig.

Biloowgii , United iyaga ayaa wacnaa oo hanaan ciyaar wacan ayay soo bandhigayeen waxa ayna u dhawaanayeen goosha Liveprool iyaga oo baadi goobayay gool halka Liveprool-na ay dagaal ugu jireen in kubadaha iska soo fogeeyaan .

Liverpool inkastoo mararka qaar kubadda ay haysteen hadana ma jirrin halis gilin ay sameynayeen sidoo kale baasas qaldan ayaa hareeynayay .

Liverpool mararka qaar cadaadis ayay saareysay United balse Salah iyo Mane xal uma hayn in weerar saxan abuuraan , waxa ayna Liverpool daqiiqaddii 72-aad soo giliyeen Xherdan Shaqiri oo loo badalay Jordan Henderson si ugu yaraan u soo nooleeyo weerarka Liverpool.

Liverpool waxa daqiiqaddii 74-aad u rogeen shaxdooda 4-4-2 oo Salah iyo Sturridge ayaa afka hore tagay halka Shaqiri ka shaqeeynayay garabka , waxaana Loverpool daqiiqaddii 75-aad gool qaldan ka dhaliyay xiddigooda Matip balse lama qorrin maadaama Smalling uu horay ugu jiray Offside

Mohamed Salah oo kulankaan ilaalo xooggan kala kulmay Shaw ayaa la badalay daqiiqadii 79-aad waxa uuna tababare Klopp xilligaas soo giliyay Divock Origi , waxa ayna dhamaadkii United u muuqdeen kuwa ka shaqeynaya kaliya in dhanka daafac iska adkeeyaan balse waxa ay haysteen fursad ay ku qaadaan weerar rogaal celis ah maadaama kooxda Klopp ay afka hore u soo wada baxeen, waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here