Juventus Oo Ugu Dambayn Ka Hashay Xaqiiqada Wararka La Xiriirinaya Mohamed Salah

Kooxda Juventus ayaa ugu dambayn ka hadashay wararka la xiriirinaya xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo si weyn loola xiriirinayay maalmihii ugu dambeeyay.

Agaasimaha Kooxda Juventus ee Paratici ayaa beeniyay in ay wax xiiso ah u qabaan saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Masar ayaa si lama filaan ah loola xiriirinayay Juventus maalmihii ugu dambeeyay iyada oo jireen warar sheegaya in ay Juventus diyaar ula tahay lacag dhan 175 milyan oo euro ama 50 milyan oo euro iyo xiddiga Paulo Dybala.

Laakiin Agaasimaha Juventus ayaa arintaas biyo qabow ku shubay isaga oo sheegay in ayna ku raadjoogin xiddiga Liverpool marka uu furmo suuqa xagaaga.

Paratici oo arintaas La hadlaya Radio Rai ayaa yidhi” Haatan wali waxa aan joognaa February waxna kama jiraan wararkaas”

“Ma jiro qof garanaya waxa dhici doona bisha June ee xagaaga”.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan keenay Aaron Ramsey waxa uu noqon doonaa saxiix cajiib ah”.

Wararka ayaa sheegayay in uu Cristiano Ronaldo doonayay in uu kooxda ku arko Mohamed Salah waliba Juventus diyaar u tahay in ay lacag iyo Dyabal miiska u saarto.

Laakiin warkaas ayaa haatan gabi ahaan meesha laga saaray taas oo war fiican u ah taageeryaaasha Liverpool oo wadnaha farta ku hayay markii ay maqleen warkan maalmihii la soo dhaafay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here