Juventus Oo U Dabaal Degi Doonta Horyaalka Serie A-da Sabtida & Hal Guul Oo Ka Xigta

Kooxda Juventus ayaa ku guulaysan doonta horyaalkii 8-aad oo Xiriirka Ah Serie A-da sabtda damba marka ay la ciyaari doonaan kooxda SPAL kulan ka tirsan horyaalka kadib markii ay xalay Napoli gashay bar-baro 1/1 ah.

Napoli ayaa bar-baro 1/1 ah la dhaafi wayday kooxda Genoa oo waliba 10 xiddig ah kadib markii kaadha cas looga taagay xiddiga khadka dhexe ee Stefano Sturaro taas oo la macno ah in ay Juventus ku sii dhawaatay hanashada horyaalka.

Juventus ayaa Sabtida la ciyaari doonta kooxda SPAL kulan ka tirsan Serie A-da iyaga oo guul ay ka gaadhaan kulankaas ka caawin doono in ay ku guulaysataan horyaalka Serie A-da.

Saaxiibada Cristiano Ronaldo ayaa 20 dhibcood ka horayn doona kooxda Napoli iyada oo 7 kulan ka hadhsan yihiin dhamaadka horyaalka Serie A-da ee xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Juventus ayaa horyaalka u dabaal degi doonta iyada oo ay 7 kulan uga hadhsan yihiin horyaalka taas oo noqon doonta wakhtigii ugu deg-dega badnaa ee lagu guulaysto horyaalka Seier A-da taariikhiida.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here