Juventus Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Marcelo & Faah-Faahinta Xogtaas Oo La Helay

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay talaabo muhiim ah u qaaday Baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay hehsiiska shaqsiga ah la gaadhay Garabka daafaca Bidix uga ciyaara Real Madrid ee Marclo.

Xiddiga reer Brazil ayaa booskiisa 1-aad ee kooxda u lumiyay da,yarka Sergio Reguilon kadib markii uu qaab ciyaareed Liita soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Wargayska La Stampa ayaa sheegaya in ay Juventus heshiiska shaqsiga ah la meel dhigtay Marcelo kaas oo aad u doonaya in uu isaga tago Real kuna biiro Juventus si uu ula midoobo Cristiano Ronaldo.

Marcelo ayaa la sheegayaa in uu ka wal-walsan yahay ciyaaris la,aantiisa waxana uu madaxda sare ee kooxda haatanba u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Marcelo ogolaaday heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii ugu qaadan doono 12 milyan oo euro kooxda Juventus isaga oo xagaaga ku soo biiri doona kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here