Juventus Oo Ogolaatay In Uu Gonzalo Higuaín Ku Biiro Chelsea

0

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus ogolaansho u siisay kooxda chelsea in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Gonzalo Higuaín.

Xiddiga reer Argentine ayaa Ac Milan ku biiray suuqii xagaaga isaga oo heshiis amaah ah oo hal sano ah uga biiray kooxda Juventus.

Waxa jra warar joogto ah ah kuwaas oo Gonzalo Higuaín la xiriirinaya in uu isaga tagayo kooxda Ac Milan marka la gaadho suuqa January ee bilowga sanadka cusub.

Wararka ayaa sheegaya in ay Ac Milan qorshaynayso heshiis Isku badalasho ah oo ay Gonzalo Higuaín ugu diri doonto Chelsea iyaguna ku heli doonaan Alvaro Morata.

Sida laga soo xigtay wargayska La Gazzetta dello Sport Maamulka Juventus ayaa ogolaaday in uu Higuain Si amaah ah ugu biiro kooxda Chelsea.

Wargayska ayaa sheegaya in ay talaabadaas fududayn doonto wadahadalada u dhexeeya kooxaha Chelsea & Ac Milan ee heshiiska isku badalashada ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here