Juventus Oo Man United Wajiga Uga Dhuftay Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara

0

Kooxda Man United ayaa ku hungawday dalabkii ugu horeeyay ee ay ka gudbisay xiddiga u ciyaara kooxda Juventus ee Douglas Costa sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska RA1 Sport ayaa sheegaya in ay Man United ka gudbisay dalab lacageed oo dhan 60 milyan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Douglas Costa.

Laakiin wargaska ayaa sheegaya in ay Juventus diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Man United ka gudbisay xiddiga oo kooxda Juventus kula jira heshiis ilaa xagaaga 2022.

28 jirkan ayuu doonayaa tababaraha cusub ee ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo uu doonayo in uu ku buuxiyo booska Alexis Sanchez oo ku fashilmay kooxda.

Laakiin Man United ayaa ku fashilantay dalabkoodii ugu horeeyay ee ay ku doonayeen xiddiga reer Brazil oo aan boos joogto ah ka haysan kooxda Juventus.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here