Juventus Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Aaron Ramsey, Faah-Faahinta Heshiiska & Wakhtiga lagu Dhawaaqi Karo Heshiiska Oo La Ogaaday

Wargayska MediaSett ee ka soo baxa dalka Italy ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus heshay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey kaas oo ku biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Wales heshiis afka ah la gaadhay kooxda Juventus si uu dhamaadka xilli ciyaareedkan ugu biiro.

Heshiiska uu Ramsey qalinka ugu duugi doono ayaa ah heshiis 5 sano ah oo dhamaan doona xagaaga saandka 2024 isaga oo jeebka ku shuban doona lacag dhan 6.5 milyan euro sanadkii.

Wargayska ayaa intaas ku soo daray in la filayo in ay Juventus saxiixa xiddiga ku dhawaaqdo dhamaadka bishan aynu u jirno ee January.

Xiddigan ayaa xiiso ka helay kooxo badan oo reer yurub ah laakiin waxa ay u muuqataa in uu doortay kooxda marwada duqda ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here