Juventus Oo La Ciyaari Doonta Man United & Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Ah

0

Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ayaa ka hor iman doona kooxda Man United kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka dambe ee ka dhici doona dalka Aasiya.

Kooxaha Man United iyo Juventus ayaa ka qayb qaadan doona tartanka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee International Champions Cup kaas oo ay isaga hor yimaadaan kooxaha ugu fiican adduunku.

Inta badan tartanka ayaa lagu qabtaa dalka America laakiin qaba-qaabiyayaasha tartanka ayaa lagu soo waramayaa in ay Juventus kulamadeeda ka dhigaan meel kale.

Go,aankaas ayuu ka dambeeyaa eedayntii kufsiga ahayd ee lagu soo Oogay Cristiano Ronaldo kana dhacday dalka America sida laga soo xigtay wargayska New York Times.

Xiddiga reer Portugal ayaa beeniyay dabigaas oo ay ku soo oogtay gabadha Kathryn Mayorga iyada oo sheegtay in uu kufsaday sanadkii 2009.

Juventus ayaa la sheegayaa in ay ka fogaato muran badan iyo waliba in ay xiddigeeda khatar ku galiso in lagu xidho America.

Waxa ay haatan u badantahay in ay tagaan Aasiya si ay halkaas ugu qaataan qorshohooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here