Juventus Oo Ku Guulaysan Karta Horyaalka Serie A-da Isla Maanta & Laba Arimood Oo Ay U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato.

Kooxda Juventus ayaa wakhti hore ku guulaysan karta horyaalka Serie A-da todobaadkan iyaga oo noqon doonta kooxda ugu deg-dega badan ku guulaystay taariikhda Serie A-da laakiin waxa ay u baahan yihiin laba arimood hadii ay doonayaan ina y kor u qaadaan koobka isla todobaadkan.

Juventus ayaa u baahan in ay ugu horayn garaacdo kooxda Ac Milan oo ay la ciyaari doonto maanta oo Sabti ah sidoo kale rajayso in ay Napoli guuldaro kala kulanto kooxda Genoa si ay ugu guulaysato koobkii 8-aad oo xiriir ah horyaalka Serie A-da.

Inkasta oo ay hadhsanaan doont 21 dhibcood hadana Juventus ayaa kooxda Napoli garaacday labadii kulanba taas oo siinaysa faa,iidada kulamada waji-ka wajiga ah.

Juventus ayaa badisay 26 kulan bar-baro gashay 3 kulan hal guuldarana la klantay 30-kii kulan ee ay ciyaartay Serie A-da iyada oo 18 dhibcood ka horaysa kooxda kaalinta 2-aad ee Napoli.

Xitaa ahdii ay Napoli badiso todobaadkan juventus ayaa ku guulaysan karta horyaalka Serie A-da todobaadka dambe hadii ay garaacdo kooxda SPAL.

8 Guulood oo ay ka gaadhaan kulamada hadhay horyaalka ayaa ka dhigaysa in ay dhigto rikoodh cusub oo 105 dhibcood ah iyaga oo 3 dhibcood dhaafi doonaa isla rikoodhkii ay iyagu dhigeen ee 102 ahayd ee xilli ciyaaredkii 2013/2014 markii uu hogaaminayay Antonio Conte.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here