Juventus Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Pep Guardiola Si Ugu Badasho Max Allegri Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu badal ugu noqdo Max Allegri.

Kooxda Juventus ayaa ku dhaw in ay shaqada ka caydhiso tababare Max Allegri hadii uuna kooxda kula guulaysan tartanka champions League taas oo u muuqata mid adag marka loo eego in ay lugtii hore guuldaro 2/0 ah kala kulmeen Atletico Madrid.

Mustaqbalka Max Allegri ayuu haatan shaki weyn jiraa iyada oo si weyn loo hubo in uu isaga tagi doono kooxda hadii uuna champions league kula guulaysan kooxda.

Wargayska Corriere dello Turino ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ka dhigatay dookha 1-aad.

Sida ay sheegayaan wararku Guardiola ayaa kula jira liiska tababarayaasha tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedien Zidane.

Madaxda kooxda ayaa aaminsan in uu Guardiola yahay dookha ugu fiican ee kooxda ka dhigi kara koox ku guulaysata tartanka champions League.

Waxa Intaas sii dheer in agaasimuhu uu madaxweynaha kooxda juventus la wadaagay fikrada ah in ay u dhaqaaqaan tababare Gauardiola dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here