Juventus Oo Heshiis Isku Badalasho Ah La Samaynaysa Real Madrid & Qorshaha Oo La Ogaaday

0

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso heshiis isku badalasho ah oo ay la samaynayso kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphaël Varane si ay ugu xoojiyaan daafacooda dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib fashilkii champions League.

Shabakada Caalamiga ah ee Goal.com ayaa sheegaysa in ay Juventus qorshaynayso in ay Real Madrid u soo bandhigto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanić kaas oo ay sidoo kale Real Madrid doonayso adeegiisa xagaagii.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in uu Zidane diyaar u yahay in uu Varane u ogolaado in uu ku biiro kooxda Real Madrid hadii ay Diyaar u yihiin in ay miiska saaraan Xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanić.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Bosnia ee Miralem Pjanić ayaa xiiso waali ka helayay Real Madrid bilihii ugu dambeeyay si ay u helaan adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Juventus ayaa arintaas ka faa,iidaysanaysa arintaas si ay u helaan Varane uguna xoojiyaan daafaca dhmaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here