Juventus Oo Guuldaro Kala Kulantay Genoa Xilli Uu Cristiano Ronaldo Ka Maqnaa Shaxda Kooxda

Kooxda Genoa ayaa garaacday kooxda Juventus kulan ka tirsanaa todobaadkii 28-aad ee horyaalka Serie A-da kulan ka dhacay garoonka Luigi Ferraris.

Juventus ayuu ka maqnaa xiddigooda ugu fiican ee Cristiano Ronaldo kaas oo la nasiyay kadib qaab ciyaareedkii taariikhiga ahaa ee kulankii Atletico Madrid.

Genoa ayaa labada gool ka dhalisay Juventus qaybtii dambe ee kulanka iyaga oo sidaas dusha ugu saaray Juventus guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka Serie A-da.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Stefano Sturaro (72) iyo Goran Pandev (81) Ayaa Genoa ka caawiyay in ay garaacdo hogaamiyayaasha horyaalka Serie A-da.

Kadib guushaas kooxda Geona ayaa Juventus ka jabisay 3 rikoodh badan oo u yaalay kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A-da.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Rikoodhada ay Genoa Ka jabisay kooxda Juventus:

1.Juventus ayaa markii ugu horaysay guuldaro la kulantay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kadib 27 kulan oo ay ciyaartay.

2.Juventus ayaa ku fashilantay in ay wax gool ah dhaliso markii ugu horaysay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

3.Genoa ayaa Juventus ka jabisay in ay guuldaro la,aan ka qaado Horyaalka Serie A-da.

4.Juventus ayaa markii ugu horaysay looga badiyay kulan Serie A ah 2 gool iyo wax ka badan tan ilaa May 2017 markaas oo ay Roma ku garaacday 3/1.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here