Juventus Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Fiorentina Markii 8-aad Oo Xiriir Ahna Ku Guulaystay Horyaalka Serie A-da

0

Kooxda Juventus ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Fiorentina kulan ka tirsanaa todobaadkii 33-aad ee horyaalka Serie A-da iyaga oo si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Serie A-da.

Kooxda Fiorentina ayaa daqiiqadii 6-aad goolka 1-aad kaga naxsatay kooxda Juventus iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nikola Milenkovic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Juventus ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaaday weeraro waali ah oo aan kala joogsi lahayn si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha ciyaartana ka dhigto 1/1.

Daqiqadii 37-aad ayay Juventus heshay wixii ay doonaysay waxana ay dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Alex Sandro kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku kala bexeen sidaasna ugu aadeen qolka Nasashada si ay dib ugu soo tashadaan qaybta dambe ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Jventus si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 53-aad ayay Juventus heshay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Fiorentian ee German Pezzella kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Juventus ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Juventus sidaas ku gaadhay guul ka caawisay in ay markii 8-aad oo xiriir ah ku guulaysato horyaalka Serie A-da iyo markii 35-aad ee taariikhdeeda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here