Juventus Oo Doonaysa In Ay Philippe Coutinho Ka Soo Badbaadiso Kaydka Barcelona

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay xagaaga sida ugu suurtagalsan u xoojiso kooxdeeda iyada oo doonaysa xiddigo saamayn weyn ku yeelan kara shaxdeeda.

Wararka ka imanaya Dalka Spain ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho sida ay sheegayaan wararli.

Coutinho ayaa wakhti adag ku qaadanaya kooxda Barcelona kadib markii uu lacag weyn ugaga soo biiray Liverpool suuqii January ee sanadkii hore.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso in ay ka faa,iidaysato dhibaatada uu xiddigu ku qabo kaydka Barcelona una dhaqaaqdo adeegiisa.

Coutinho ayaa horay uga soo ciyaaray horyaalka Serie A-da isaga oo wakhti ku soo qaatay kooxda Inter Milan ka hor inta uuna ku biirin Liverpool.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Juventus Coutinho u doonayso badalka Paulo Dybala kaas oo lala xiriirinayo in uu isaga tagayo kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here