Juventus Mise Atletico Madrid? Kooxda Ay Xiddigaha Real Madrid Taageeri Doonaan Oo La Ogaaday & Waliba Sababta

0

Tv-ga reer Spain ee El Chiringuito ayaa kashifay kooxda ay xiddigaha Real Madrid taageerayaan kulanka Champions League ee dhex mari doona kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid.

Xiddigaha Real Madrid ayaa aaminsan in guusha ay Atletico Madrid ka gaadho kooxda Juventus in ay Munaasib u tahay kooxda.

Juventus ayaa kulanka soo galaysa iyada oo guuldaro 2/0 ah kala kulantay Atletico Madrid lugtii 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Kooxda Juventus ayaa u baahan guul 2/0 ah ama wax ka badan si ay ugu soo laabato kulanka ama wareega 8 dhamaadka ugu gudbaan.

El Chiringuito ayaa sheegay in xiddigaha Real Madrid doonayaan in ay Atletico Madrid ka reebto Juventus tartanka champions League sabab la xidhiidha Cristiano Ronaldo.

Xiddigaha Los Blancos ayaan doonayn in ay Cristiano Ronaldo ku arkaan wareega 8 dhamaadka sidaas darteed ay taageeri doonaan kooxda ay isku magaalada yihiin.

Waxa xusid mudan in Real Madrid ka hadhay tartanka champions league kadib markii ay guuldaro weyn kala kulantay kooxda Ajax.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here