“Juventus Ayaa Ka Fiican Real Madrid”:- Da,yarka Ajax Ee Frenkie de Jong Oo Milix Sii Mariyay Dhaawacii Ay U Gaysteen Real Madrid

0

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ahna xiddiga mustaqbalka ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa milix sii marayay dhaawaca kooxda Real Madrid kadib markii uu sheegay in ay kooxda Juventus ka fiicantahay kooxda Los Blancos.

Da,yarka iyo kooxdiisa Ajax ayaa si fool xumo leh Real Madrid uga reebay tartanka champions League wareegii 16-kii kadib markii ay 5/3 ku garaaceen natiijadii labada lugood.

“Waxa aan Juventus u qiimeeyaa in ay ka sarayso kooxda Real Madrid”ayuu De Jong u sheegay De Telegraaf.

“Si khalad ah ha ii fahmin, Madrid waa kkoo xweyn laakiin Xilli ciyaareedkan qaab ciyareedkoodu aad ayuu u hooseeyaa marka loo eego sanadihii hore”.

“Kooxda Juventus ayaa ka mid ah kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka waxa aan eegi doonaa sida aan ula dhaqano taxadiga”.

Kulanka lugta 1-aad ayaa ka dhici doona caawa garoonka Johan Cruyff Arena halka lugta 2-aad la ciyaari doono todobaadka dambe iyada oo midkood u bixi doono Semi-finalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here