Jurgen Klopp: Waxa Aan ku sigtay In Aan Ooyo Markii Uu Mohamed Salah Rikoodhada U Daayay Roberto Firmino Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga kooxdiisa ee Mohamed salah kadib markii uu rikoodhihii 2-aad ee kulankii Arsenal u daayay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Roberto Firmino.

Klopp oo shirkii ka dambeeyay kulanka ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa aan ku dhawaaday in aan ooyo sababta oo ah cid walba way ogatahay sida uu Mohamed salah ugu baahan yahay goolal badan”.

“Laakiin waxa uu go,aansaday in uu u daayo saaxiibkiis Mohamed salah inkasta oo uu fursad weyn u haystay in uu hogaanka u qabto gool dhalinta premier league”.

Mohamed salah ayaa rikoodhe ku dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa ka hor dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ka hor inta uuna caawiyaha ka noqon goolkii Mane.

Xiddiga reer Masar ayaa dhaliyay 13 gool oo premier league ah isaga oo la goolal ah xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Harry Kane.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here