Jurgen Klopp Oo Tilmaamay Cida Iska Leh Eeda In Ayna Kooxdiisu Guul Ka Gaadhin Man United

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa tilmaamay Cida iska leh eeda sababtii ay kooxdiisu guusha uga gaadhi wayday Man United kulankii ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Jurgen Klopp ayaa aaminsan in dhaawacyadii Man United soo gaadhay ay sabab u yihiin in ayna Liverpool garaacin Man United.

Liverpool ayaa hogaanka premier League dib ula wareegtay laakiin ku fashilmay in ay guul ka gaadhaan kooxda Man United kulankii ka adhacay Old Trafford.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku qasbanaaday in uu sameeyo 3 badal 30-kii daqiiqo ee ugu horeeyay isaga oo ciyaarta ka saaray xiddigaha Ander Herrera, Juan Mata iyo Jesse Lingard laakiin bar-baro la galay Liverpool.

Jurgen Klopp ayaa dhankiisa ku qasbanaaday in uu daqiiqadii 31-aad ciyaarta ka saaro Roberto Firmino oo uu soo gaadhay dhaawac kuraanta ah.

Isaga oo sharaxay sababta ayna kooxdiisu guusha uga gaadhin ayuu klopp yidhi” waxa uu ahaa kulan la yaab leh waxa aan ku bilaabanay si fiican”.

“Dhaawacyadii Man United ayaa sabab u noqday in aan lumino qaab ciyaareedkeena si la mid ah dhaawacii soo gaadhay Roberto Firmino”.

“United ayaa dhaawacyada kadib ku ciyaartay gabi ahaan khad dhexe oo cusub sidaas darteed waxa aan ruminay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee aan ku bilaabanay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here