Jurgen Klopp Oo Si Rasmi Ah U Xaqiijiyay Wakhtiga Uu Joe Gomez Ku Soo Laaban Doono Garoomada

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in daafaca Goe Gomez ku soo laaban doono garoomada kadib fasaxa caalamiga ah.

Xiddiga reer England ayay Liverpool si weyn u tabtay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa Garoomada ka maqnaa muddo ku dhaw 3 bilood kadib markii uu dhaawac jab ah ka soo gaadhay lugta qaliina lagu sameeyay.

Si kasta ha ahaatee xiddigan ayaa haatan si Buuxda garoomada ugu soo laabtay waxana uu Klopp xaqiijiyay in uu ciyaaraha si buuxda uga qayb qaadan karo fasaxa caalamiga ah.

Gomez ayaa sabab u ahaa in ay kooxdisa Liverpool shabaqa ilaashato kulamo badan bilowgii xilli ciyaareedkan.

Laakiin da,yarka ayaa haatan kooxdiisa ka caawinaya in ay u tartanto 2 koob kuwaas oo kala ah champions League iyo Premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here