Jurgen Klopp Oo SHeegay Dhibcaha Uu Rumaysan Yahay In AY U Baahantahay Liverpool Hadii Ay Doonayaan Ku Guulaysiga Horyaalka

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u sheegay waxa ay u baahan yihiin hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay Liverpool qaadan doonto xilli ciyaareed cajiib ah laakiin u baahan yihiin wax ka badan 100 dhibcood si ay ugu guulaystaan horyaalka premier League.

Mohamed salah iyo Virgil Van Dijk ayaa dhaliyay 2-dii gool ee ay Liverpool guusha kaga gaadhay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 11-aad ee premier League xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna caawiye ka noqon goolkii uu Van Dijk dhaliyay iyaga oo sii wata guulaha xiriirka ah.

Tababare Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” ilaa haatan waxa ay u muuqataa xilli ciyaareed cajiib ah”/

“Waa wax fiican in aad hesho 48 dhibcood bartamaha December”.

“Waxa aan ku jirnaa xilli ciyaareed ayna kooxaha waaweyn lumin dhibco badan sidii xilli ciyaareedkii hore sidaas darteed waxa aan u baahanahay 105 dhibcood ug yaraan si aan ugu guulaysano horyaalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here