Jurgen Klopp Oo Sheegay Boos Cusub Oo Uu Ka Ciyaarsiin Doono Fabinho Kulamada Soo Socda

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si maldahan u sheegay in uu boos cusub ka ciyaarsiin doono xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Fabinho ka hor wakhtiga mashquulka ah ee soo socda.

Klopp ayaa sheegay in uu daafaca dhexe ka ciyaarsiin karo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Fabinho inta lagu jiro kulamada badan ee maalmaha soo socda.

Kooxda hogaaminaysa premier League ayaa 5 kulan ciyaari doonta 18 maalmood ee soo socda kuwaas oo ka bilaaban doona jimcaha caawa oo ay u safri doonaan Wolves.

Laakiin Klopp ayaa haysta kaliya 2 xiddig oo daafaca dhexe oo taam ah kuwaas oo kala ah Virgil Van Dijk iyo Dejan Lovren iyada oo ay Joe Gomez iyo Joel Matip dhaawac ku maqan yihiin.

Taam ahaanshaha Lovren ayaan ahayn mid la isku halayn karo xilli ciyaareedkan waxana uu Klopp u muuqday mid xaqiijiyay in uu Fabinho ka ciyaarsiin doono daafaca dhexe hadii loo baahdo.

ā€œWaxa aan Rajaynayaa in uu Dejan dhamaan wada ciyaaro laakiin haatan ma garanyoā€ayuu Klopp yidhi ka hor kulanka caawa ee Wolves.

ā€œRun ahaantii ma haysano dookhyo badan laakiin Fabinho wuu ka ciyaari karaa daafaca dhexe waliba wuu ku fiican yahaā€.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here