Jurgen Klopp Oo Sharaxay Booska Cusub Ee Uu Mohamed Salah Ka Ciyaarsiiyo Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu booska ka badalay xiddiga kooxdiisa ee Mohamed salah xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Masar ayaa dhaliyay 44 gool 52 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii waxana haatan laga ciyaarsiinayaa weerarka tooska ah.

Roberto Firmino ayaa laga ciyaarsiiyaa No.10 halka xiddiga Sadio Mane ka ciyaaro garabka Midig sidoo kale Naby Keita laga ciyaarsiiyo garabka Bidix.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in orodka badan ee Mohamed salah looga baahday booskaas taas oo keentay in uu 26 jirku dhaliyo 5 gool 4-tii kulan ee ugu dambaysay.

“Waa in uu la qabsato boos ka duwan booskiisii Hore”ayuu Klopp yidhi ka hor kulanka Newcastle, “Ma ahan mid aad uga duwan sidii hore laakiin ma ahan booskiisii hore”.

“Waxa aan u baahanahay isku xidhkiisa waxana uu leeyahay orod badan taas oo ah mid cajiib ah waliba muhiim u ah dhamaystirkiisa”.

“Dabcan wali waxa uu u ahay da,yar si uu ugu lug lahaado waxyaabo badan oo qaab ciyaareedkiisa ah kaliya ma ahan orodka, kaliya ma ahan dhamaystirka laakiin waxyaabo badan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here