Jurgen Klopp Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kooxdiisa Kulankii Burnley

0

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay xiddiga garabka uga ciyaara kooxdiisa ee Mohamed salah kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Burnley.

Kooxda Liverpool ayaa guul 4/2 ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Anfield.

Mohamed Salah ayaa caawiye ka noqday gool waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo sameeyay fursado fiican

Klopp oo shabakada Goal la hadlaya ayaa yidhi”Salah waxa uu caawiyay goolkii 1-aad laakiin wax gool ah muu dhalin”.

“Laakiin aniga ahaan waxa uu ahaa xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta laakiin aan wax gool ah dhalin”.

Mohamed Salah ayaan haatan wax gool ah dhalin 4-tii kulan ee ugu dambaysay tartamada oo dhan taas oo ah rikoodhkii ugu dheeraa ee uu gool la,aan ahaa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here