Jurgen Klopp Oo Magacaabay Laba Arimood Oo Kooxdiisa Ka Hor Istaagay In Ay Guul Ka Gaadhaan Leicester City.

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa tilmaamay cidii iska lahayd masuuliyada bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Leicester City ugana badin wayday kooxdaa.

Jurgen Klopp ayaa qarsan kari waayay xanaaqii uu ka qaaday bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Leicester City ugana faa,iidaysan wayday tartanka ay ugu jirto premier League.

Tababaraha reer Germany ayaa tilmaamay in go,aanka garsoore Martin Atkinson iyo barafkii ku da,ay Anfield ay sabab u ahayd in ay Liverpool guul ka gaadhi waydo Leicester City.

Klopp ayaa weeraray garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka ee Martin Atkinson kaas oo kooxdiisa Liverpool ka diiday rikoodhe cad.

“Anigu ma hubo in kulan kubada cagta ah lagu ciyaari karo garoon ay adagtahay in lagu ciyaaro oo uu faraf ka da,yaro, is kulaylintii ciyaarta waxa ay ahayd caadi laakiin waxa uu bilowday markii ay ciyaartu bilaabantahay”.

Jurgen Klopp oo ka hadlaya rikoodhadii laga diiday kooxdiisa ayaa yidhi” run ahaantii ma garanayo sababta uu garsooruhu u qaabn waayay rikoodhe, waxa ay ahayd waliba kaadh cas ma hubo arintaas”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here