Jurgen Klopp Oo Magacaabay Hal Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Oo Kaga Yaabsaday Awoodiisa Xilli Ciyaareedkan

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay hal xiddig oo uu si weyn ula yaabay awoodiisa xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu si aad ah ula yaabay awooda baas ee goolhayaha kooxdiisa ee Alisson tan ilaa markii uu ku soo biiray Liverpool xagaagii.

Liverpool ayaa 65 milyan oo euro ka bixisay xiddiga reer Btazil iyaga oo kala soo wareegay kooxda Roma xilli uu 26 jirku saamayn deg-deg ah ku yeeshay koxodiisa.

Alisson ayaa shabaqiisa ilaashaday 14 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan waxana uu ka qayb qaatay weeraro badan oo ay qaaday kooxdiisu.

Waxana uu Klopp si aad ah ula dhacay awooda Alisson uu uga qayb qaato weerarada kooxdiisa..

Markii wax laga waydiiyay in uu la yaabay labada xiddig ee xagaaga ku soo biiray ee Alisson iyo Fabinho ayuu yidhi” malaha waxa laga yaabaa in uu Alisson yahay goolhaye cajiib ah”.

“Waxa mar walba iska cadayd in uu saamayn weyn ku lahaa markii uu joogay kooxda Roma laakiin marka aan Runta ka hadlo Roma way naga qaab ciyaareed duwanayd”.

“Waxa kaliya ee si aad ah iiga yaabisay awoodiisa baaska taas oo ah la yaab cajiib ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here